duqayn ka dhacday gobalka Jubada Dhexe

War kasoo baxay Taliska Howlgalada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu faah-faahiyay duqeyn diyaaradaha Mareykanka ee duuli la’aanta ay ka geysteen Deegaanka Wadajir oo u dhaw Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe.

Taliska AFRICOM ayaa xaqiijiyay in howlgalka ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay ku bartilmaameedsadeen Al-Shabaab.

Gen. Gregory Hadfield oo ah ku xigeenka Howlgalada Afrika ee taliska ayaa yiri “Weerarka waxaa lagu bur-buriyay Qaraxyo iyo gaadiidkii lagu diyaariyay, waxaana kaga hortageynay waxyeelo dadka lagu gaarsiiyo”..

WAR-SAXAAFADEED