Soomaali dhaawacyo isugu geystay Malta

Labo Dhallinyaro Soomaali ah ayaa la sheegay inay isku dhaawaceen dagaal xalay ku dhex maray magaalladda Saint Giliani oo dhanka Koonfureed kaga toosan Caasimadda Malta ee Valletta.

Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay inay Ragga Soomaalida ku dagaalameen Jidka loogu magac daray Saint George abaarihii 8-dii iyo barkii fiidnimo ee xalay.

Boliska waxay kaloo sheegeen in mid ka mid ah raggaasi oo 28-jir ah, kuna nool Degmadda Farura  ee Bartamaha Dhexe ee Malta uu dhaawac culus ka soo gaaray Luqunta ama Surka, kaasi oo markii uu tegay  Saldhiga Boliska loola cararay Isbitaalka.

Ninka kale ee Soomaaliga oo deggan Tuullo yar oo lagu magaacbo Zebug una dhow Jesiiradda Gozo waxaa la sheegay inuu dhaawac culus soo gaaray, loona gudbiyey Isbitaalka.

Labada nin ayaa la sheegay inay ku lug lahaayeen dagaal Tooreey la isku adeegsaday, wuxuuna Boliska bilaabay Baaritaano, mana kala cadda waxa uu salka ku hayo dagaalka dhex maray labada Nin ee Soomaalida ah.

Inta badan Dhallinyarada Soomaalida ee Qaxooti ahaanta ugu nool Malta waxay ku lug leeyihiin Dembiyadda la xiriira Isticmaalka iyo Ka-ganacsiga Waxyaabaha maanta dooriya, sida Qamriga, Xashiiska iyo Daroogada kale, waxaana la sheegaa inay dagaalamaan marka ay Balwadda adeegsadaan, sida ay sheegeen Boliska Malta.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com