Ciidanka Xoogga Dalka oo ku wajahan Jamaame

Wakaaladda Wararka u faafisa dowladda Soomaaliya ee SONNA, ayaa ku warrantay in  Al-shabaab ay isaga baxeen, degmada Jammaame ee gobolka Jubada Hoose, kadib markii ay kaabiga u yimaadeen ciidamada Militariga dowladda Federaalka iyo Daraawiishta Jubaland.

Wakaaladda SONNA, ayaa sheegtay in ciidamada dowladda oo ka soo ruqaansaday degaanka Araare, islamarkaana cagta soo mariyay degaannada Kaban iyo Bangaani ee gobolka Jubada hoose, ay wax ka yar hal Kiilo Mitir u jiraan degmada Jammaame, halkaasna Al-shabaab isaga carareen, kadib markii ciidamadu ku soo dhowaadeen.

Taliyaha Guutada 11aad, Qaybta 43aad ee Ciidamada Militariga Soomaaliya  G/sare Maxamed Badal Xasan, ayaa wakaaladda SONNA ka soo xigatay, in saacadaha soo socda ay gaari doonaan Jammaame, halkaasi oo ay haatan u jiraan hal Kiilo mitir.

Warkaas ayaa ku soo beegmay, xilli Ciidamada Militariga Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Jubaland ay hawlgal ballaaran saacadihii u dambeeyay ka wadeen degaanno hoos yimaada degmada jammaane ee gobolkaas Jubada hoose

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com