Ra’iisal Wasaare Rooble oo Dhambaal Tacsi ah gaarsiiyay Shacabka iyo Madaxda Dalka Kuwait: Daawo+Sawiro

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ugu tagay Amiirka cusub ee dalka Kuweyt Sheekh Nawaaf Al-Axmed Al-jaabir Al-sabaax ayaa gaarsiiyey tacsida Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan geeridii Alle ha u naxariistee Amiirka dalkaas Marxuum Sabaax Axmed Alsabaax.

Labada Hoggaamiye ayaa iska xogwareystay mustaqbalka xiriirka labada dal iyo muhiimadda ay leedahay in la sii joogteeyo iskaashiga ku saleysan walaaltinimada iyo is-garab istaagga, iyada oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu soo bandhigay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay murugada geerida Amiir Sabaax ay ula qeybsanayaan walaalahooda dalka kuweyt.

 

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha waxa uu tacsida la wadaagay Guddoomiyaha Golaha Ummadda dalka Kuweyt Mudane Marsuuq Alqaanim, Dhiggiisa dalkaas Mudane Sabaax Khaalid Al-Axmed, Ku-xigeenka Taliyaha Ciidammada Ilaalada Qaranka Mishcal Al-Axmed, Amiirrada iyo dhammaan xubnaha Qoyska reer Sabaax ee haya talada dalka Kuweyt.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com