Dhageyso :Degmada Qoryooleey oo la Go,doomiyay

Kadib Weerarkii Shabaab ay Arbacadii ku qaadeen Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose, kuna burburiyeen buundadii ugu weynayd ee degmada ayay xaalad adag soo wajahday degmadaas.

Gudoomiyaha Degmada Qoryooleey ee gobalka shabeelaha Hoose ayaa sheegay Xaalada Amni degmada aysan wanaagsaneyn islamarkaana Degmada la go,doomiyay

Buundada ayaa ka mid ahayd laba buundo oo ku yaala Degmada Qoryooley, balse waxay tani ahayd middii ay adeegsan jireen gaadiidka xamuulka iyo kuwa kale ee ganacsiga geeya degmadaasi.

Saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ayay go’doon ku jirtay Degmada Qoryooley, halkaas oo aysan  imaanin gaadiidkii ganacsiga iyo khudaarta keeni jiray, sida uu xaqiijiyay Siid Cali Ibraahim, Gudoomiyaha Degmada Qoryooley.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay, buundada la bur buriyay degmada Qoryooley uu sababi karo xaalad Amni xumo oo saameyn ku yeelata Dadka shacabka