Dawlada Federaalka oo u yeertay Safiirada Suudaan iyo Cumaan

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa si deg deg ah ugu yeertay danjirayaasha Soomaaliya Ku matala Dalalka Cumaan iyo Suudaan.

Warqad ka soo baxday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa lagu amray safiirrada in ay Muqdisho Ku soo gaaraan muddo afar maalmood ah.

Sida Ku xusan waraaqaha u yeeridda ah ee labada safiir waxaa uu khilaaf ka taaganyahay labada safaaradood kaas oo u dhaxeeya safiirka iyo dadka kala shaqeeya safaaradda.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com