Gudiga doorashooyinka oo la Kulmay Madaxweyne Qoor Qoor

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil,  iyo hawlwadeenna ka tirsan GMDQ ayaa xalay la kulmay Madaxwaynaha iyo Madaxwayna ku xigeenka la doortay ee GalMudug .

Madaxwayne Axmed Cabdi Kaariye ayaa Gudooomiyaha iyo wafdigeeda ku soo dhaweeyay Madaxtooyada Galmudug, isagoo Guddiga ku amaanay hawlaha wacyigalinta bulshada ay u yimaadeen Magaalaada.

Dhanka kale Madaxwayne ku xigeenka GalMudug Cali Daahir Ciid ayaa xalay Guddoomiyaha iyo wafdigeeda casha sharaf ugu sameeyay Magaalada Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha ayaa dhankeeda ka warbixisay hawlaha guddiga ee ku aaddan arimaha doorashada iyo sida uu guddiga ugu diyaargaroobay xaqiijinta doorasha qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya.

Madaxwaynaha iyo Madaxwayna ku xigeenka ayaa ballan qaaday in maamulkooda uu si wanaagsan ola shaqayndoona Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka kana taageeri doonaan hawl waliba uu guddiga kaga baahdo Maamulka.

Ugu danbayn Gudoomiye Xaliima ayaa Madaxwaynaha iyo Madaxwayna ku xigeenkaba oga mahadcelisay soo dhawaynta diirran ay u sameeyay guddiga.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com