Puntland oo Digniin Culus ka soo saartay Roobab la Filayo in ay ka da,aan degaano ka Tirsan gobolada Sanaag iyo Bari

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalada  cimilada dawlad goboleedka Puntland ayaa soo saartay digniino  Saadaalinaya Roobab mahiigaan ah oo ka da’i doona degaano ka Tirsan gobollada Bari iyo Sanaag, islamarkaana ay ka dhalan karaan daadad Xoog badan oo qasaare nafeed iyo mid hantiyeedba gaysan kara.

 

Wasaaraddu waxay si gaar ah ugu digtay Qoysaska degan  dhulka biya mareenka ah, togagga iyo meelaha hooseeya inayka taxadaraan , kana fogaadaan meelaha u nugul halista imaan karta, si ay naftooda iyo hantidooda u badbaadiyaan.

 

Farriinta digniinta ah ayaa lagu sheegay in aan la sahashan saadaasha iyo digniinta , sidaas darteedna la gaarsiiyo bulshada gobolladaasi oo dhan, si ay diyaar garow uga sameeyaan xaaladaha la filan karo.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com