Dhageyso: Wasiir ku xigeenka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Hirshabeele oo ka warbixiyay Mashaariic laga Hirgeliyay Degmada Warsheekh

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Maamul Goboleedka Hir shabeele Mudane Maxamed Xuseen kabtan Mooge   ayaa ka war bixiyay Safar uu madaxweynaha Dawlad goboleedk Hirshabeele uu ku tagay Degmada Warsheekh ee gobolka shabeelah Dhexe

Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweyne Waare uu Daahfuray Mashaariic lagu hormarinayo degmada Warsheekh ee gobolka shabeelaha Dhexe iyo gogol lagu heshiisiinayo Beelaha Walaalaha ee degan Degmada War sheikh ee gobolka shabeelaha Dhexe

Ma aha markii ugu horeysay ay madxda Dawlada Goboleedka Hirshabeele ay mashaariic ka daah furaan degmada Warsheekh iyo degmooyin kale ee ka Tirsan degaanada Hir shabeele