Faah Faahino kasoo baxaya Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho

 

Sida aan wararka ku helnay qaraxa ayaa haleelay gaariga Cabdi Bille ah , waxaana la sheegay in qaraxaasi khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray ciidankii la socday gaariga qaraxa haleelay.

Ciidamadii qaraxa ka bad baaday ayaa la sheegay in ay rasaas kor u rideen markii uu qaraxa dhacay kadib, waxaana goobta qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo kale oo katirsan dowlada oo u gurmaday ciidamada la qarxiyay.

Qaraxyada Miino ee lala eegto ciidanka dowlada ayaa inta badan ka dhici jiray laamiga isku xira Afgooye iyo Muqdisho, waxaana qaraxan maanta daqiiqado kooban saameyn ku yeeshay laamiga isku xira Xoosh iyo Ex-Koontarool Afgooye.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.