Xildhibaanada Galmudug oo shuruudo adag ku xiray shaqsiga ay u dooranayaan Gudoonkooda.

Xildhibaanada Baarlamka Galmudug ayaa lagu wadaa in Maanta doortaan Gudoomiyaha baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa shuruudo adag ku xiray shaqsiga ay la doonayaan xilka Gudoonka baarlamaanka.

Warar hoose oo aynu ka heleyno dhuusa-mareeb ayaa sheegaya shuruudaha ka mid yihiin in musharax walba ee doonaya xilkaas bixiyo lacago farabadan.

Taas oo keentay in musharaxiin dhowr ah bixiyaan lacago u dhaxeysa sedex kun ilaa shan kun oo doolar.

Shuruudaha kale ayaa ka mid ah sida shaqsigaas ugu dhawyashay Madaxda ugu sareysa dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dowlada ayaa dadaal xoogan ku bixinaysa sidii ay ku soo saari laheyn Gudoomiye baarlamaan iyo madaxweyne iyaga Taabacsan.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com