Degmada Wadajir oo caawa gubanaya:- SAWIRRO

Dab xoogan ayaa caawa ka kacay suuqa weyn ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan qaybta dharka lagu iibiyo.

Dabka oo khasaaro xoog leh geysanaya ayaa ku fidaya qaybaha suuqaasi, xilli aan la ogayn waxa dhabta ahi ee dabkaasi uu ka dhashay.

Goor dhow oo saqdii dhexe ee caawa ah ayay dadka deegaanka ku soo baraarugeen dabka xoogan ee ka holcaya suuqaasi, oo aad looga dukaameysto.

Axmed Cabdulle oo ka mid ah dhalinyarada deegaanka ayaa sheegay inaanu cadayn waxa dhaliyay dabka, ha yeeshee loo maleynayo in koronto uu ka dhashay.

“Suuqa gubanaya waa suuqa dharka ama bacadlaha Degmada Wadajir. Cid sheegi karto malahan waxa dabka sababay, laakiin waxaa la leeyahay koronto ayuu ka dhashay.” Ayuu yiri Axmed Cabdulle.

Axmed Cabdulle ayaa muuqaal uu soo dhigay bartiisa xiriirka dadweynaha ku sheegay in shaqaalaha gurmadka degdegga ay ka raaggeen daminta dabkaasi.

“Shaqaalahaha dab damiska way ka soo daaheen inay si dhakhsi ah meesha ku yimaadaan, hadda way yimaadeen, daminta dabka ayayna wadaan.” Ayuu yiri Axmed Cabdulle.

Ciidamada Booliska ayaa ku sugan wadooyinka soo gala suuqa gubanaya, iyagoo ka hortaggaya in la boobo qaybaha aanu dabka gaarin.