Shaqaalaha Turkiga oo gabi ahaan joojiyay dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Muqdisho, Wararka naga soo gaaraya wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegaya in shaqaalaha Turkiga oo ku howlanaa dhismaha wadada gabi ahaanba joojiyeen.

ilo xog ogaal ah oo la hadlay Warbaahinta Aragticusub media group  ayaa ku waramay in ay arkayeen shaqaalaha Turkiga oo qalabkooda ka qaadanaya Halkaas.

”shaqaalaha Turkiga maanta waxaa ay ku mashquulsanaayeen sidii qalabkooda dhismaha u qaadan lahaayeen”ayuu yiri goob jooge.

Ilaa hada lama oga sababaha dhab ahaan arintaan ka dambeysa balse maalmihii ugu dambeeyay waxaa jiray qaraxyo alshabaab la beegsanayeen shaqaalahaas.

Ma jiraan war ka soo baxay Dowlada oo ay kaga hadlayaan Arintaan.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com