Nisa oo sheegtay In ay gacanta ku dhigeen Maadooyin laga sameeyo walxaha Qarxa iyo shaqsiyaadkii watay

Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA, ayaa shaacisay, in ay gacanta ku dhigtay 79 tan oo maadada Sulfuric Acid (H₂SO₄) oo loo adeegsado samaynta Qaraxyada.

Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee hay’adda NISA, ayaa lagu sheegay in sidoo kale la qabtay shakhsiyaadkii dalka soo geliyay maadada, kuwaas oo doonayay in ay u gudbiyaan Al-shabaab.

Baaritaanka maadadan waxa ka wada-shaqaynaya NISA iyo hay’adaha ay iska kaashadaan La-dagaallanka Argagixisada sida lagu caddeeyay Qoraalkaas.

Sidoo kale, NISA waxay sheegtay in Sharciga la marin doono shakhsiyaadka lagu qabtay maadada ‘H₂SO₄’ oo doonayay in ay u gudbiyaan Al-shabaab, si ay qaraxyo uga samaystaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com