Laamaha Amniga Jubland oo sheegay in ay Fashiliyen qaraxyo

Wararka ka imaanaya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka jubland ay ka hor tageen qaraxyo lala damacsanaa shacabka jubland

Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa sheegay in ay  fashiliyeen isku day ay doonayeen Shabaab in ay miino ku soo gudbiyaan ayagoo ka soo gudbaya wabiga aaga Yoontooy iyo Buula-gaduud ee gobolka Jubada Hoose

Taliska Ciidanka Nadad Sugida Jubland ayaa sheegay in Ciidanka oo xogta ka war helay ay weerar qorshaysan ku qaadeen  shabaabkii damacsanayd in ay soo gudbiyaan miinooyinkaasi waxana intaas ay ku dareen in  iska hor imaad daqiiqado socday kaddib goobta iskaga carareen xubnahaasi shabaabka ka Tirsan waxaana gacanta lagu soo dhigay beey yiraahdeen  laba nooc oo ah  miinada dhulka lagu aaso iyo dooni yar oo ay doonayeen in ay ku soo gudbiyaan miinooyinka.