Dhageyso : Dr. Cali Cabdi Baab oo ka hadlay qodobadii ka soo baxay shirkii Jabuuti

Dr Cali  Cabdi  Baab oo ka Tirsan Siyaasiyiinta Qurba joogta ah ee ku  nool Magaalada London ee dalka Ingariiska ayaa Waraysi uu bixiyay kaga hadlay qodobadii ka soo baxay shirkii Jabuuti ee u dhexeyay Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Soomaalilnd

Dr. Cali Cabdi Baab ayaa sheegay in qodobada ka soo baxay shirkii Jabuuti ee ay ku Heshiiyeen Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland ay ahaayeen qodobo hore ay ugu heshiiyeen Dawladii Federaalka Soomaaliya ee Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud iyo Soomaalilland ay wada gaareen islamarkaana aysan ahayn qodobo cusub

Sidoo kale Waxa uu Dr Cali Cabdi Baab uu ka hadlay doorashooyinka la filaayo in dalkaSoomaaliya   ay ka dhacaan isaga oo  intaasi ku daray in doorasho qof iyo cod Soomaaliya aysan ka dhici Karin 2020 iyo 2021