Somaaliland oo wax la yaable ku Tilmaamtay in Meydka Cali Khaliif Galleyr lagu Aaso Muqdisho

Cali Maxamed Warancadde  oo ah La taliyaha Gaarka ah ee Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Magalada Hargeisa Warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay inuu la yaaban yahay in Meydka Marxuum Cali Khaliif Galaydh laga dejiyey magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

 “Aad iyo aad waxaan ula yaabay in Soomaaliya ay Qaadato Marxuumka Maydkiisa, Shaki wayn ayay leedahay, wuxuu ahaa nin Reer Somaliland ah, oo Col ayuu la ahaa maamulka Xamar, oo Noloshiisii ayay coloobeen, Afduubka intaas le’eg waxaan u arkaa mid shaki leh,  Noloshiisii may jeclayn, Dhimashadiisii bal maxay u qaateen”. Ayuu yiri Warancade.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday Doorashada Soomaaliya ee 2021, Waxa uuna tilmaamay in Soomaaliya aysan Xor ahayn, oo Dawlado kale ku tartamayaan Doorashada, kuwaasi oo doonaya inay soo saaraan Qof ay ku shaqaystaan ayuu yiri Waran Cadde la Taliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliland.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com