Faah Faahino ka soo baxaya Nin shacab ahaa oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa xalay lagu dilay nin shacab ah oo lagu magacaabi jiray  Siciid Jaamac Maxamed,  laguna Naaneyso Siciid Maradona.

Marxuumka ayaa la dilay isagoo ku dhexjira masjidka Abuu Hurayra ee xaafada Israac, salaadii maqrib kadib, sida ay saraakiil ka tirsan Booliska u xaqiijiyeen warbaahinta.

Dilka ayaa la sheegay inuu geystay nin dhallinyaro ah oo ku hubeysan baaskoolad, kaas oo baxsaday.

Marxuum Siciid Maradona ayaa ahaa taksiile caan ah oo ka dhexshaqeyn jiray magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com