Dagaal ka dhacay gobolka shabeelaha Hoose

Dagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay Gobolka Shabeellada Hoose.

Al-shabaab, ayaa duleedka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose ku weeraray ciidamo ka tirsan AMISOM, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus, sida laga soo xigtay dadka degaanka.

Ciidamada AMISOM, ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen weerarka Al-shabaab oo lagu tilmaamay mid gaadmo ah, islamarkaana waxa la sheegay in ay dib u laabteen kooxdii weerarka soo qaadday.

Khasaare kala duwan oo labada dhinac gaaray, ayaa la sheegay in uu weerarka ka dhashay balse faahfaahin sugan lagama hayo khasaarahaas.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com