Dagaal dhexmaray Ciidanka Jubland iyo shabaab

Muqdisho : Ciidamo ka Tirsan Daraawiishta Jubbaland oo ka baxay magaalada Kismaayo  kuna sii jeeday magaalada Dhoobley ee isla gobolka Jubbada hoose ayaa dagaal adag la galay shabaab kadib markii ay weerar jidgal ah ku sameeyeen ciidamada Jubaland oo marayey duleedka degaanka Qooqaani.

Dagaalkaas ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 8 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab iyo sidoo kale 2 askari oo kamid ah ciidamada Daraawiishta Jubaland kuwaasi oo gaarigii ay saarnaayeen miino la kacday halka 2 askari oo kalena ka dhaawacmeen Jubaland.

Ciidamada Daraawiishta Jubaland ayaa la soo sheegaya in dagaalkaas kadib ay halkaasi ka saareen shabaabkii  jidgooyada dhigtay islamarkaana socdaalkoodi sii wateen.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com