Turkiya Oo dib U celinaya Dad Magangalyo doon ah.

Istanbul,:-Dowladda Dalkan Turkiya ayaa sheegtay in ay meel gabo gabo ah marayso dib u celinta Kumanaan Muhaajiriin ka soo kala jeeda 24 Waddan oo Turkiga laga dhex qabtay.

Dib u celinta Dadka la qabtay Waxee garayaan Sida Police ka sheegay 15,328 Muhaajiriin sharci-darro ku joogtay dalkan dhawaana dalal kooda lagu celin Doono.

Bilihii la soo dhaafay waxaa socday Hawlgalo lagu qabanaayey Muhaajiriinta sharciga la’aanta ku joogay dalkan.

War Qoraal ka soo baxay Ciidan Boliska Magaladda Istanbul ayaa lagu sheegay in Boliska fuliyeen Hawlgaladaasi oo Istanbul ka socday muddadii u dhexeysay bisha March ilaa July ee la soo dhaafay.

Hoolaha Qabasahada Muhaajiriinta ayaa Boliska ku ugaarsanayeen Muhaajiriinta sida sharci-darrada ku so galaayay Turkiga iyo kuwa Fiisoyinka uu ka dhacay balse qaybta Migration Diidmo siiyeen.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Kala-bar tirada guud ee Muhaajiriinta ka soo kala jeedaan dalalka Afganistan iyo Pakistan, 5,365 waxay ka soo jeedaa Afganistan, halka 2,541 kalena yihiin Muwaadiniin u dhashay Pakistan.

Boliska faahfaahin kale dheeri ah kama bixinin dalalka kale ee ay ka soo jeedaan Muhaajiriinta ee la soo qabtay dhawaana la filayo in loo kala tarxiilo Waddamada ay u dhasheen.

Somali aad u badan ayaa Wel wel badan so food sartay bilihi Lasoo dhafay Waxana jiray Diidmo dhanka iqaamadaha Deganashaha Somali aad ubadan lasiiyay.

Sakaria Husien Saki.

info@aragticusub.com