Maxay ka wada hadleen Ra’iisal wasaare Rooble iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed?

 Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Soomaaliya Cali Siciid Fiqi,, oo maalmahan socdaal joogay Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Roobe iyo Guddoomiye Cali Siciid Fiqi, oo kulan gaar ah ku yeeshay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa uga wada-hadlay Arrimaha Doorashada iyo doorka kaga aaddan Koonfur Galbeed.

Labada mas’uul, waxay Isla garteen muhiimadda ay leedahay in dalka ay ka dhacdo doorasho hufan oo lagu wada qanacsanyahay, islamarkaana wakhtigeeda ku qabsoonta.

Sidoo kale, waxay ka wada-hadleen in la xoojiyo wada-shaqaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com