Cabdi Xaashi oo loo doortay Gudoomiyaha Aqalka sare

Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa maanta xarunta hangarka Afasiyoone maanta ku doortay Gudoomiye ku xigeenka Golaha Aqalka sare

Xubnaha 54 xildhibaan ee maanta xaadiray doorashada ayaa Gudoomiye u doortay Senitor Cabdi Xaashi cabdilaahi oo hore Gudoomiye uga soo noqday Golaha Aqalka Sare Markii labaan Xilkaas maanta loo doortay waxaana uu helay Codad gaaraya 28ka cod

Senitor Cabdi Xaashi ayaa waxaa kula tartamay doorashada wasiirka Wasaarada dastuurka ee Xukumadda Soomaaliya Senitor Saalax Axmed jaamac oo isaga helay 24ka Cod

Sidoo kaleSeniter Cismaan Abukar Dubbe oo isagana ah wasiirka warfaafinta oo maanta k aka mid ah Tartamaashi Gudoonka Aqalka sare ayaa isagana helay ilaa laba cod.