Axmed Madoobe oo Eedeeyay Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Maamulka Jubland Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uu carqaleeydaanyo Hananka Doorashooyinka Dalka

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jubland ayaa u qornaa sidaan:

Madaxweynaha Dawlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa nasiib daro ku tilmaamay qorshayaasha Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday uu ku carqaladaynayo doorashooyinka dalka oo ay u danbaysay weerarkii caawa lagu qaaday Gudoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka oo ka qeybgalayay munaasabada dhaarinta Xildhibaano katirsan Baarlamaanka JFS.

Waxaa Axmed Madaoobe uu tilmaamay in lagula xisaabtami doono sarakiisha amniga ee fulinaya amarada sharci darada ah ee kasoo baxaya Madaxweynaha xilku ka dhamaaday kuwaas oo lagu fashilinayo doorashooyinka gaba gabada maraya.

Madaxweynaha ayaa ku amaanay gudoonka KMG ah ee golaha shacabka sida naf hurnimada leh ee ay u gudanayaan waajibaadka ka saaran socod siinta howlaha doorashooyinka.

Ugu danbyntii waxaa Madaxweynahu uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab istaagan Xildhibaanada baarlamanaka iyo gudoonkooda KMG ah si dalka looga saaro marxaladan adag isla markana ay indhaha ku hayaan qorshayaasha lagu curyaaminayo in dalka ay ka dhacdo doorashooyinka gaba gabada maraya taas oo masuuliyadeeda ay qaadayaan sarakiisha ciidamada iyo Madaxweynaha xilku ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayuu yiri Madaxweynaha Jubland Axmed Madoobe.