Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiilka QM ee Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Ergayga Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee James Swan.

Kulanka dhexmaray Xasan Sheekh iyo Ergayga Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan, waxaana kamid ahaa xaaladihii ugu dambeeyay siyaasadda dalka iyo arrimo kale.

Sidoo kale inta uu kulan socday ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo James Swan ayaa waxaa ay isla soo hadal qaadeen sida uu muhiimka u yahay wadahadal siyaasadeed oo ku dhisan wada-oggol xilli ay Soomaaliya isku diyaarineyso doorashada 2020/2021.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa James Swan uga mahadceliyay howlaha shaqo ee uu dalka ka wado iyo taageerada dowladda Mareykanka ay siiso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xfiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com