Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay gudiga Farsamo ka baaraan degista doorashooyinka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyeen Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Ka-baaraan degga Doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Dastuurka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka warbixiyey qorshaha shaqo ee Guddiga, latashiyadii ay la yeesheen Madaxda Dowlad Goboleedyada, Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xisbiyada siyaasadda, Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddiga ayaa la wadaagay Madaxweynaha iyo Madaxda Heer Dowlad-Goboleed nuxurka daraasadda ay sameeyeen ee ku aaddan doorashooyinka dalka, halbeegyada iyo jaantuska muhiimka u ah qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho loo dhanyahay oo waafaqsan sharciga doorashooyinka ee la meelmariyey.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Xubnaha Guddigan ee Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir qorshaha cad ee ku saabsan doorashooyinka dalka ee ay soo diyaariyeen, kaas oo dhammeystiraya shaqada mugga weyn ee ay qabteen Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo heshiisyada siyaasadeed ee horey loo gaaray kuwaas oo ku saabsanaa doorashooyinka dalka

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com