Wasiir Arrimo Dibadeed ee dalka zimbabwe oo u geeriyooday Coronavirus

Afhayeenka madaxtooyda dalka  Zimbabwe ayaa sheegay in wasiirkii arrimaha dibadda ee dalkaas Sebusiso Moyo u dhintay cudurka Karoona fayras

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in Moyo oo 61 jir ah uu ku dhintay isbitaal maxalli ah subaxnimadii hore ee maanta

Moyo wuxuu horay u ahaan jiray jeneraal ka tirsan ciidamada wuxuuna caan ka noqday dalkaas markii uu ku dhawaaqay afgembigii militariga ee horseeday in xukunka looga  tuuro Madaxweynihii hore Robert Mugabe bishii November 2017-kii.

Dalka Zimbabwe waxaa ku soo badanaaya cudurka Karoona, waxaana laga diiwaan geliyay kiisas gaaraya 28,675.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com