Taliyaha NISA Oo amar duldhigay M/weeynaha Hirshabelle.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa xiligaan Xarunta Hay’adda Nabadsugida Qaranka kulan kula leh Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji.

Warar la helayo ayaa sheegaya in kulanka dhexeeya Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Taliye Fahad Yaasiin looga wada hadlayo Arrimaha doorashada dalka ka dhacaya ee uu ka taagan yahay khilaaf xoogan oo u dhexeeya Madaxda dowladda iyo Musharaxiinta.

Fahad ayaa  Guudlawe xiligaan ku cadaadinayo in uu  qeeb kanaqdo ololaha tageerada loogu muujinayo M/weyne Farmaajo iyo sidii uu mar kale dib ugu soo laaban lahaa kursiga Madaxweynenimo 4-sano ee soo aadan madaama muda xileedkiisa ay ka harsantahay wax kayar 20-maalin.

Cali guudlawe ayaa xiligaani maamulkisa wax horumar ah ka sameeyn khilaafka hareyay ee ay ugu horeeyso banaanbaxyada Beledweyne iyo jabhada uu hogaamiye Janaraal Xuud oo shegay in ay marnaba aqoonsan doonin maamulka uu majaraha u haayo Cali Guudlawe.

Ilawareed ay heshay Shabakada Aragyicusib ayaa ku waramayo in Cali Guudlawe uu ka dalbaday Taliyaha Niza in guud ahaan Hirshabelle gacanta loo geliyo si loogu caleema saaro Magaalada Baladweyne oo uu dhoor jeer horay ugu hingoobay.