Madaxweynaha Puntland oo ka Tacsiyadeeyay geerida Suldaan Cabdullaahi Xaaji Nuur ( Carabduur )

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa u qornaa sidaan :

Madaxweynaha  Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladdaba waxa uu ka tacsiyeeynaya geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Suldaan Cabdullaahi Xaaji Nuur ( Carabduur ), oo xalay  ku geeriyooday  Magaalada Caasimada ah ee Garoowe.

AHUN Suldaan Cabdullaahi Xaaji Nuur (Carabduur) ayaa ka mid ahaa Aasaasayaashii Puntland, wuxuu waxbadan kasoo shaqeeyay Nabadda iyo horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida Marxuumka la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul  fardawsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisii.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com