Dhuusamareeb :- Wafdi Ka Socda Beesha Caalamka Oo Maanta Ku Wajahan .

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo Aaxd ah waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Socdaalka James Swan ayaa waxaa ku wehlin doona xubno kala duwan oo ka tirsan Beesha Caalamka, iyagoona saacadaha soo socda ka amababixi doona sida uu qorshahu yahay Magaalada Muqdisho.

Ujeedka safarka Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu yahay sidii uu kulan ula yeelan lahaa Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, iyagoona ka wada hadli xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale labada dhinac ayaa sigaar ah diirada kulankooda ugu saari doona qaabka lagu xalin karo khilaafka weli ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa 2021, isla markaana shir lagu keeni lahaa dhinacyada isku haaya doorashada.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Madaxweyne Qoorqoor ka xog-wareysan doona xaaladda guud ee deegaanada maamulkaas iyo mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo halkaas.

Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jirta in xal laga gaaro is mari waaga doorashada, iyadoo cadaadis ku saareysa dhinacyada kala duwan inay wada hadal yeeshaan, waxaana xusid mudan in dadaalada uu qeyb ka yahay Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com