Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Qaabilay Wafdi Ka Socda IGAD

Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo uu hogaaminayay Xoghayaha Fulinta ee IGAD Dr. Workeneh Gebeyehu kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta wadashaqeynta IGAD iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa soo dhaweeyay hirgalinta Xarunta Sare ee IGAD ee u adkeysiga aafooyinka iyo ilaalinta deegaanka oo IGAD ay Muqdisho ka furatay.

Xaruntu waxay taageeri doontaa hirgelinta qorshaynta khataraha cimilada ee dalalka gobolka ee ku bahoobay IGAD.

Xaruntaani ayaa naqaneeyso tii ugu horeysay ee nuuceeda ah oo ay midowga africa gaar ahaan IGAD ay ka furto Somaliya waxaana aad u daneynayay wadamada Sudan iyo Kenya.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com