Somaliland oo wadahadalada Soomaaliya sharuud adag ku xirtay

Maamulka Somaliland ayaa shuruudo adag ku xiray wadahadalada kala dhaxeeya dowlada Soomaaliya oo sanadihii ugu dambeeyay joogsaday laguna fashilmay in labada dhinac mar kale dib u bilaabaan wadahadalada.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad ka jeediyay magaalada Hargeysa ayaa shuruudo ku xiray wadahadalo uu maamulkiisa mar kale la furo dowlada federaalka Soomaaliya.

Muuse Biixi ayaa sheegay in wadahadal ay la yeeshaan dowlada Soomaaliya ay  ku imaan karto labo shuruud oo kala ah Wada-hadal Caalami ah, oo raacaya Nidaamka Wada-hadallada Caalamiga ah iyo in Somaliland iyo Soomaaliya ku kala baxaan maxkamad sharci ah.

”’Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay ku wada-hadli karaan oo kaliya laba khiyaar mid uun: 1. Wada-hadal Caalami ah, oo raacaya Nidaamka Wada-hadallada Caalamiga ah, oo ay goob-joog ka ahaadaan Dawlado iyo Hay’ado Caalami ah, laguna qabto fagaare Caalami ah iyo goob dhex-dhexaad ah, Natiijada ka soo baxda wada-hadalladaasina ay noqdaan sharci ay ilaaliso Bulshada Caalamku. 2 In arrinta Somaliland iyo Soomaaliya sharciga la mariyo (arbiteration/legal court) halkaasi ay ku kala baxaan.” ayuu yiri Muuse Biixi.

Maamulka Somaliland ayaa marar badan shuruudo adag ku xiray in wadahadal ay la yeeshaan dowlada Soomaaliya, waxaana la ogeyn sida dowlada Soomaaliya u aqbali karto shuruudahan Somaliland ku xirta wadahadalada labada dhinac.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com