Madaxweyne Lafta Gareen oo gaaray Magaalada Xudur ee Xaruunta Gobolka Bakool

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed “Lafta-Gareen” ayaa maanta gaaray Degmada Xudur ee  Xaruunta Gobolka Bakool.

Socdaalka Laftagareen ayaa ku  saabsan  qaylo dhaan ay dhowaan iyo dibad bax aysameeyeen shacabka gobolka Bakool oo ay  go,doon gobolka Bakool ay geliyeen Alshabaab waxana ay Alshabaab Xireen dhammaan Wadooyinkii soo galayay Degmadaasi iyodegaano kale oo ka tirsan gobolka Bakool

Gaadiid  uu raashiin ku rarnaa iyo Alaabo kale ayayAlshabaab ku gubeen duleedka Xudur,iyadoo saameyn weyn ay ku yeelatay cunto yari soo wajahday dadka ku nool magaalada Xudur.

Dad ku dhaqan Degmada Xudur ayaa Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koofur Galbeed ka codsaday In Alshabaab laga saaro dhammaan degaanada Koofur Galbeed gaar,ahaan gobolka Bakool

Alshabaab ayaa laf dhuun gashay ku noqday Dadka shacabka ah ee ku nool Gobolka Bakool ,ayaga oo diiday in Raashiin iyo Alaabaha kale Ganacsi la geeyo Guud ahaan Gobolka Bakool waxaana taasi ay keentay in cirka ay isku shareeraan Maciishada Qaybaheeda kala duwan

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@Aragticusub.com