Maleeshiyo Dad shacab ahaa ku toogatay duleedka degmada matabaan ee gobolka Hiiraan

Inta la og yahay 2 qof oo shacab ayaa ku dhimatay 3 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii kooxo Maleeshiyo beeleed ah ay dadkaas ku rasaaseeyeen duleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan

Kooxihii dilka geystay ayaa baxsaday ‘mana jirto cid gacanta ku soo dhigtay Maleeshiyadaasi.

Dhinaca kale Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ilaa iyo hadda aan ka hadlin dilka loo geystay Dadkaasi rayidka ahaa ee lagu toogtay duleedka degmada matabaan.

Dilal salka ku haaya aano qabiil ayaa mudooyinkii dambe ka taagneyd degaano hoostaga degmada matabaan ee gobolka hiiraan

Xafiiska aragticusub Muqdisho

Info@aragticusub.com