Dhageyso: Wabiga Shabeele oo laga cabsi qabo in uu ku fataho Magaalada Jowhar

Wararka Ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamul goboleedka Hirshabeele ayaa sheegaya in laga cabsi  in Wabiga shabeele uu ku Fataho Xaafada Kulmis.

Gudoomiyaha Xaafada Kulmis ee Magaalada Jowhar Yaxye Xasan ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo ay uga horatagayaan fatahaadalaga cabsi qabo in wabiga uu ka geysto Magaalada Jowhar

Gudoomiyaha ayaa sheegay in hadda ay bilaabeen caro tuur iyo in ay ugu baaqeen Dadka ku  dhaqan Xaafada Kulmis in ay ka qayb qaataan dadaalada looga hortagayo fatahaada .

Hadal ka soo baxay Gudoomiyaha Xaafada Kulmids ee Magaalada Jowhar Yaxye Sheekh Xasan ayaa ku soo aadaya xilli Wabiga uu ku fatahay tuulooyin hoostaga Magaalada Jowhar oo qoysas badan ay ka carareen fatahaada Wabiga