Gudoomiye Cumar Filish oo Maanta ku wareejiyy Muwaadhin Soomaaliyeed Guri Xoog looga heystay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed Cumar Filish ayaa  Maanta muwaadin Soomaaliyeed ku wareejiyay gurigiisa.

Muwaadinkaan Soomaaliyeed ayaa muddo 30 sanno ah gurigiisa xoog looga heystay ka dib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaana maanta dib ugu celiyay maamulka gobolka banaadir .

Maamulka gobolka Banaadir  ayaa sheegay in aan la aqbali  doonin in magaalada Muqdisho gudaheeda guryaha  la iskaga baado,waxa uuna bulshada ugu baqaay cidkastaa oo guri si sharci daro ah ku heysato in ay ku wareejiso shaqsigii lahaa .

Guriga maanta muwaadhinka Soomaaliyeed lagu wareejiyay ayaa ku yaala Dergmada Karaan Waxaana Xooguga Heystay Muwaadhin kale iyadoo maamulka gobolka Banaadir looga mahadceliayay Tilaabada uu qaaday ee Gurigaasi uu ugu celiyay Muwaadhinkaasi

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@Aragticusub.com