Norwey oo xabsiga dhigtay Hooyadi ka tirsaneed Daacish.

Dowlada Norwey ayaa xabsiga dhigtay Hooyadi ka tirsaneed Ururka Daacish.

Hooyada iyo labadeeda Carruur ayaa xalay saqdii dhexe ka soo dagay Garoonka diyaaradaha Oslo.

Saraakiil ka tirsan Hay,ada sirdoonka Norwey ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in haweeyeyda xabsiga dhigeen waxyar kadib markii ay iyada iyo Carruurteeda soo caga dhigteen Norwey.

Waxaa ay sheegeen in labadii Carruur la geeyay isbitaal halkaasna loogu sameynayo daryeelka ay u baahan yihiin.

Maalinta bari ayay Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Norwey su,aalo waydiin doonaan isla markaana maalinta isniinta la soo taagi doono Maxkamada.

Haweeneydan 29-jirka ah ayaa in muda ah ka tirsaneed Ururka Daacish ee ka dagaalama Dalka Siiriya.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com