Gudoomiye Cumar Filish oo shaqo Joojin ku sameeyay Waaxda Dhulalka ee Gobolka Banaadir

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa lagu sheegay in laga joojiyay dhammaan shaqooyinkii iyo Hawlihii Waaxda  Dhulka u qaabilsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo warbaahinta u akhrinayay Wareegtada ayaa waxaa uu sheegay in Waaxda dhulalka ay cabasho iyo dhaliilo kala duwan kasoo gudbiyeen shacabka, sidaas dardeed  shaqada looga joojiyay.

Sidoo kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar ayaa sheegay in Guddoomiye Cumar Filish uu Guddi baaritaan u saari doono cabashooyinka ay soo gudbiyeen dadweynaha iyo Arimaha la xiriira cabashada Dhulka ee Dadweynaha ay soo Gudbiyeen .

Dekareetada shaqada looga joojiyay Waaxda dhulalka Maamulka Gobolka u qaabilsan ayaa waxaa la ogeysiiyay Madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com