Soomaali looga shakisan yahay Argagixiso oo Maxkamad lagu soo taagay Nairobi.

Nairobi,Maxkamad ku taala Magaalada Nairobi ayaa maanta la soo taagay Soomaali looga shakisan yahay Argagixiso.

Ciidamada amaanka ayaa laba maalin ka hor soo qabtay shan ruux oo sedex ka mid ah Soomaali yihiin.

Sedexda ruux ee Soomaalida ayaa lagu kala Magacaabaa Mohamed Hassan Bario,Hodan Abdi Ismail, Ifrah Mohammed Abshir , halka labada qof kale mid ka mid ah uu heysto  Dhalashada Mareykanka halka midka kalena la xaqiijiyay in uu yahay darawal kenyan ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Amaanka ayaa sheegay in dadkaaan lagu soo qabtay iyaga oo watay lacago kala duwan Laptop-yo iyo kaarar taasina keentay in Ciidamada amniga ka shakiyaan.

Maxkamadda Magaalada Nairobi ayaa u ogolaatay Ciidamada amniga iyo mudo 15-cisho lagu haayo Xabsiga si su,aalo dheeraad ah u waydiiyaan.

Xafiiska Wararka,Nairobi.

Info@aragticusub.com