Heshiis laga gaaray khilaafki u dhaxeeyay Madaxweyne Iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle(SAWIRO).

Jowhar, khilaaf in muda ah soo jiitamayay ee u dhaxeeyay Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa ugu dambeyn xal KMG ah laga gaaray.

Kulanka heshiisiinta oo gar wadeen ka ahaa Madaxweyne ku Xigeenka Cali Guudlaawe ayaa xalay ka dhacay Hoygiisa.

Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ugu dambeyn gacmaha is galiyay isla markaana balan qaaday in howlaha maamulka si hufan u wadi doonaan.

Khilaafkaan ayaa dib u dhac xoogan u keenay maamulka Tabarta yar ee Hirshabelle.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com