24.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 23, 2024
Home Wararka Afrika Xiisad ka taagan caawa Degmada Shangaani ee G/banaadir.

Xiisad ka taagan caawa Degmada Shangaani ee G/banaadir.

Dadka ku dhaqan Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir ayaa soo sheegaya inay weli xiisad ka taagan tahay degmdaasi, taas oo  u dhaxeyso ciidan ka wada tirsan kuwa Dowladda Somaliya

Ciidamo u tagey Degmada Shangaani inay dad rayid ah ka raraan dhisme ku yaala degmadaasi ayaa waxay iska caabin kala kulmeen ciidamo kale, oo garab ka helaya maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan.

Dhismaha gacan ka hadalka sababay ayaa ku yaala inta u dhaxeyso Xarunta Taraafikada (Visha Traffico) iyo Madbacaddii Qaranka, gaar ahaan dhabarka dambe ee dhismaha safaaraddii hore ee Itoobiya.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com