Khilaaf hor leh oo soo wajahay dhismaha Galmudug & Ahlu Sunna oo laga cabsi qabo inay iskaga baxdo.

Khilaaf ayaa ku yimid geedi-socodka Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug, iyadoona uu dib u dhac ku yimid soo saarista jadwalka, ay tahay in loo maro Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo Kuxigeenkiisa.

Khilaafkan ayaa yimid, ka dib markii Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ay ka hortimid Guddiga Doorashada Madaxtooyada Galmudug, oo Axadii uu magacaabay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal.

Ahlu Sunada Galmudug ayaa u sheegtay Guddoonka Baarlamaanka Galmudug in Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha ay tahay inuu ka yimaado Ahlu Sunna, haddii Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug uu ka yimid dhanka Dowladda Somaliya.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com