DEG DEG:-Kiiskii ugu horreeyay ee Coronavirus oo laga helay Jabuuti

Djabuti :Goordhow dalka Jabuuti laga helay Kiiskii ugu horreeyay ee Cudurka halista ee Coronavirus, kaasi oo kusii faafaya dalal badan oo ku yaalla Caalamka.

Wasiirka Caafimaadka Jabuuti, Maxamed Warsame Diiriye  oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa u xaqiijiyay in qof u dhashay dalka Spain laga helay, kaasoo dalka gaaray 14-kii bishan.

Cudurkan saf-marka ah ayaa maalmo ka hor laga helay dalka Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya.

Cudurka Coronavirus ayaa marka hore kasoo bilowday dalka Shiinaha, waxaana u geeriyooday in ka badan 7,000 ruux, halka kumanaan kalena uu soo ritay, iyadoona ay xusid mudan tahay in boqlaal qof kalena ay ka bogsadeen.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com