Maareeyaha Hay,adda Duulista Hawada Soomaaliya oo gaaray magaalada Baladweyne+ Sawiro

Mareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya Axmed macalin xasan iyo wafdi u hogaminaayo ayaa ka dagay garoonka Diyaaradaha  ee Magaalada Beledweyne, waxaana halkaas kuso dhaweyey madaxda mamuulka gobalka Hiiraan.

Socdalka mareeyaha Hay.adda duulista ayaa lagu sheegay in ay tahay Habeynta iyo dib u dhiska garoonka Diyaaradaha Magaalada baladweyne iyaga oo Tababar u Furi doona shaqaalaha ka Hawl gala garoonka diyaaradaha ee magaalada Baladweyne

Garoonkaasi ayaa dhawaan waxaa ku burburtay diyaarad sahay u siday Ciidanka Amisom eek u sugan Magaalada Baladweyne taasi oo ka timid dalka jabuuti waxaana diyaarada ay wax yeeloowday ka dib markii Jidkii diyaarada ay ku soo degi rabtay uu dameer dhex istaagay taasi oo keentay in diyaarada wadada ay ka baxdo islamarkaana ay halkaasi ku bur burto

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com