Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubland oo si rasmi ah loo shaaciyay Socdaalka Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maalinta Talaadada beri ah oo ku soo wajahan Magaalada Muqdisho, oo socdaalkii ugu  horreeyay uu ku imaan doono tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Puntland 8-dii January 2019.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, ayaa labada masuul beri socdaal ku imaanaya magaalada Muqdisho, waxayna  Kulan gaar ah la oo ku saabsan Arrimaha Doorashada Soomaaliya la yeelan doonaan Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto oo dhex-dhexaadinaya iyaga iyoMadaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  Farmaajo.

Madaxweynahyaasha maamulada Puntland iyo Jubland Saciid Cabdulaahi Deni iyo Axmed Madoobe, waxay sidoo kale Kulan la qaadan doonaan MadaxweyneMaxamed Cabdulaahi  Farmaajo, waxaana ay ka wada-hadli doonaan Qodobada ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3 oo Puntland iyo Jubaland ka maqnaayeen, islamarkaana Qodoba kamid ah ay weli diiddan yihiin.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com