Shaqaalihi Turkiga ee ku dhaawacmay Afgooye oo loo Qaaday Ankara.

Muqdisho, Shaqaalihi Turkiga ee dhawaan ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ee ka dhacay Afgooye ayaa maanta loo qaaday Magaalada Ankara ee Caasimadda Dalka Turkiga.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa diyaarad Turki ah ka qaaday Sagaal ruux oo weerarkaas ku dhaawacmay isla markaana sedex ka mid ah Turki yihiin.

Shaqaalaha ka howlgalaya dhismaha Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay la kulmayay Weeraro kaga Imaanaya dhanka Alshabaab.

Shaqaalaha Turkiga ayaa guud ahaan joojiyay shaqadi ay ka wadeen wadadaas ilaa iyo dowladda xal ka keeneyso amni xumada jirta.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com