Jadwalka doorashada Madaxweynaha Galmudug oo la soo saaray(AQRISO).

Dhuusa-mareeb, Gudiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Galmudug garabka Dhuusa-mareeb ayaa goordhaw soo saaray jadwalka doorashada Madaxweynaha  Galmudug iyo ku xigeenadiisa.

Gudiga ayaa sheegay in 30-ka bishan la dooran doono Madaxweynaha Cusub ee Galmudug.

Sidoo kale guddiga ayaa shaaciye in 26 January la dhageysan doono khudbadaha musharixiinta xilka madaxweynaha halka 27 la dhageysan doono khudbadaha musharixiinta madaxweyne ku xigeenada.

Gudaha qaban qaabada ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in doorashada ku dhici doonto waqtiga ay u qorsheeyeen isla markaana si wanaagsan u diyaarin doonaan.

Halkaan Hoose ka aqriso Jadwalka doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com