Ahmed Madoobe oo Amaan iyo bogaadin ujeediyay  Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya .     

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay natiijada ka soo baxday imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliya shalay ay ku dhawaaqday Natiijadiisa, kaasi oo Siyaabo kala duwan dadka uga hadleen.

10ka Iskuul ee ugu heerka Sareeya ayeey Wasaaradda Waxbarashada Somaliya ku qiimeysay Iskuulo ku yaallo Gobolka Gedo ee Koonfurta Somaliya oo Jubbaland ay ka arimiyaan.

Axmed Madoobe ayaa ku amaanay dadaalka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubaland isagoo xusay in sii hayaha ahna Wasiir ku xigeenka Wasaarada iyo howlwadeenada kale ay halkaas kasii wadaan dadaalka ay ugu jiraan in Tacliinta iyo barbaarinta Ubadka uu noqdo mid ahmiyad gaar ah la siiyo.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay Macalimiinta iyo waalidka ardayda kaalmaha hore galay sidii ay ugu dadaaleen Mustaqbalka ardayda iyagoo wakhti iyo dadaal dheer ku bixiyay sidii ay halka ay maanta joogaan usoo gaari lahayeen.

Madaxweynaha ayaa balan qaaday in lasii kordhin doono tasiilaadka ay Dowladu ku bixiso dhinacyada Waxbarashada iyo hormarinta Bulshada si ay usoo baxaan jiil Aqoon ku hogaamiya Mustaqbalka Shacabka ree Jubaland.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com