Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka oo kala qaaday Laba Maleeshiyo Beeleed oo ku dagaalamay gobolka Galgaduud

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Galgaduud ayaa lagu soo warramaya in ay ku guulaysteen kala qaadista laba malayshiya-beeleed oo ku dagaallamay Degaanno ka tirsan Gobolkaas.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Milateriga Dowladda Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in Saaka la kala qaaday laba malayshiya-beeleed oo Shalay ku dagaallamay Degaanka Xananbuurre ee Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale Odayaasha Dhaqanka labada beelood ayaa lagu qanciyay in ay isu’gu yimaadaan Gobol nabadeed si loo dhammeeyo Xiisadda Colaadeed ee ka dhex aloosan labada beelood.

Dagaalka ka dhacay Degaanka Xananbuurre ayaa la soo sheegayaa soo kala gaaray khasaare kala duwan oo dhinacyadii dagaallamay ah inkastoo aan tirakoob rasmiya laga helin.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com