Sidee loo Xaliyay shaqo Joojintii ay ku dhaqaaqeen Shirakadaha Duulimaadyada ee gudaha Soomaaliya ?

Gudi ay ku mideysan yihiin Shirkadaha Duulimadyada Dalka ayaa shalay shaqo joojin sameeyey, waxaana ay hakiyeen dhamaan duulimaadyadii oo dhan, taas oo keentay in  garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde ee Magaalada Muqdisho Dad badan Rakaab ah ay buux dhaafiyaan

Hakinta duulimaadyada ayaa ka dhashey kadib markii Guddiga Diyaaraduhu ay sheegeen in diyaarad loo diiday in ay tegto magaalada Doollow ee gobolka Gedo. Wararku waxay sheegayaan in arrimo amni darteed, hay’adda NISA sheegtey in loo xirey diyaaraddaas keligeed duulimaadyada Doollow.

Dad aad u faro badan ayaa shalay  dhibaato ka soo gaartey joojinta duulimaadka iyo mudaaharaadka ay sameeyeen shirkadaha kale ee sheegaya in kuwo si gaar ah loo naasnuunijaayo.

Muranka ayaa lagu xaliyey in shirkadaha kale ee hela rakaabku ay tegi karaan Doollo si lamid ah kuwa kale

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com